Dousa: Waxaan soo bandhignay danahayaga, Soomaaliyana waxay soo bandhigtay danteeda

0
114

Nov 03 (Jowhar)-Wasiirka iskaashiga horumarinta caalamiga ah ee Sweden, Benjamin Dousa oo ka tirsan (Xisbiga Moderaterna).

Ayaa sheegay in dowladda Sweden ay la yeelatay wada-hadallo dhow dowladda Soomaaliya oo ku saabsan meesha baahida deeqda ugu badan ay ka jirto, taas oo Soomaaliya “fursad loo siiyay inay danahooda ka hadlaan sii lacagtan lo gaarsiiyo.”

“Laakiin wax lacag ah uman diriin ama maysan tagin xafiiska Ra’iisul Wasaaraha – marnaba ma jirin qorshe ah in si toos ah loo taageero siyaasiyiingaar ah” ayuu yiri Dousa isagoo la hadlayay barnaamijka Morgonstudion ee ka baxaa idaacad Sweden.

Dhawaan, idaacadda Ekot ee Iswiidhan Radio ayaa sheegtay in 100 milyan oo karoon laga leexiyay miisaaniyadda deeqda Iswidhan waa sidaa ay sheegtey idacadu, iyadoo lagu heshiiyay si qarsoodi ah in Soomaaliya ay u aqbasho dad laga masaafuriyay Sweden taas badalkeedan ay soomaaliya ka hadasho waxaay ku badalaneyso.

Sida laga soo xigtay warbixinta Ekot, shuruudaha Soomaaliya waxay ahaayeen in deeqda la mariyo hab ay kooxda ku xeeran Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre awood galangal ugu yeelan karaan in ay saameyn ku yeeshaan sida lacagaha deeqda lagu xardhay loo adeegsanayoo.

Benjamin Dousa wuxuu sheegay inuusan jirin heshiis rasmi ah balse uu jiro is-faham, isagoo xusay laba arrimood oo kala duwan:

“Kow, annaga ayaa shuruudo keenay si aan u sii wadno bixinta deeqda; laba, annaga iyo Soomaaliya waxa naga dhaxeeyay wadahadal dhow oo ay wakiil ka ahaayeen safaaradda iyo hay’adda horumarinta SIDA si loo go’aamiyo meesha baahida ugu badan ay ka jirto. Waxaan ka hadalnay danahayaga, iyagana waxaa loo oggolaaday inay ka hadlaan danahooda.”

“Sidaas darteed, waa run”

Warbixinta Ekot waxay sheegtay in qiyaastii 32 milyan oo karoon loo isticmaalay mashruuc wadajir ah oo u dhexeeya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP, taas oo khubaro ku tilmaameen “mashruuc khatar sare leh.”

Benjamin Dousa wuxuu ku adkaystay in taageerada Sweden loo mariyay sanduuq UN ah:

“Dabcan, marka sanduuqan uu ka shaqeynayo Soomaaliya – sida dhisidda iskuullo, xarumo caafimaad iyo kuwo kale – waxay la shaqeynayaan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo wasaarado kale. Sidaas darteed, warkaas waa run.”

“Sababta aan si toos ah ugu taageerin siyaasiyiinta ama dowladda waa khatarta musuqmaasuqa. Haddii aan aragno in lacagtu si qaldan loo isticmaalayo, waxaan si degdeg ah u joojin doonaa taageerada,” ayuu yiri Dousa.

Hadallo nacaybka Yuhuudda ah ee la sheegay in uu yirii

Sweden waxay leedahay tilmaamo cusub oo mamnuucaya in deeq la siiyo kooxaha leh hadallo nacaybka Yuhuudda. Telefishinka TV4 wuxuu khamiistii soo wariyay in Hamza Abdi Barre uu amaanay Xamaas khudbad uu jeediyay kadib weerarkii 7-dii Oktoobar 2023 ee lagu qaaday Israel, isagoo – Waa sida ay sheegtay tarjumaadda ay sameysa Idacadda SVT – Wuxuu ku sheegay Yuhuudda inay yihiin “faracii daanyeerada iyo doofaarrada.”

Si kastaba ha ahaatee, Benjamin Dousa wuxuu sheegay in hadalladan aysan keeni doonin wax isbeddel ah oo dhanka siyaasadda Sweden ah Soomaaliya:

“Dabcan waa hadallo argagax leh oo laga naxo, laakiin wax lacag ah lama siiyo isaga. Haddii aanan deeq siin karin dalal leh aragtiyo xagjir ah iyo musuqmaasuq, waxa ay noqon lahayd inaan gebi ahaanba joojinno bixinta deeqda.”