Xamaas oo aqbashay sii deynta maxaabiista Israel

0
124

Nov 04(Jowhar)-Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil; kuwa nool iyo meydadka kuwa dhintayba, iyagoo uga gol leh joojinta duullaanka Israa’iil ee Qasa iyo in ciidamadeeda si buuxda uga baxaan dhulkaas, sida ku xusan qorshaha is-weydaarsiga ee uu soo jeediyay Donald Trump.

War-saxaafadeed lagu baahiyay barta Telegram-ka ayay kooxdu ku sheegtay inay diyaar u tahay inay isla markiiba wadahadallo la gasho dhexdhexaadiyaasha caalamiga ah si faahfaahinta heshiiskaas loo dhamaystiro.

Xamas waxay sidoo kale muujisay maan-furnaanta inay ogol yihiin in maamulka Qasa lagu wareejiyo guddi madaxbannaan oo ka kooban farsamo-yaqaano Falastiiniyiin ah, iyadoo arrintan ku tilmaantay talaabo lagu hubinayo heshiis qaran iyo taageeradda dowladaha Carabta iyo Islaamka.

Arrimaha ballaaran ee ku jira soo jeedinta Trump, sida mustaqbalka Qasa iyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ah, ayay Xamas waxay sheegtay in go’aankooda lagu saleeyo mowqif qaran oo mideysan, laguna miisaamo shuruucda caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay.

Kooxdu waxay intaas ku dartay inay diyaar u tahay ka qeybgalka iyo inay door wax ku ool ah ay ka qaadato hab socodka heshiiska.