Dowladda Soomaaliya oo soo afjartay weerarkii Shabaab ee xarunta NISA Godka Jilicow

0
153

Nov 05(Jowhar)-Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka ee Somaaliya ayaa soo saartay War Saxaafadeed ku saabsan weerarkii Godka Jilicow.

Wasaaradda ayaa sheegtay in weerarka la soo afjaray, lana dilay kooxdii weerarka soo qaaday oo dhammayd 7 dagaalyahan. Lamana sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday godka Jilicow ee degmada Boondheere, Muqdisho.

Wasaaraddu ma sheegin wax tallaabo isla xisaabtan iyo ka dabatag ah oo ku aaddan sida wax u dhaceen, keliya waxaa lagu soo koobay in gaari u eeg kuwa hay’adaha amniga iyo dhar kuwa ciidanka u eeg la adeegsaday.

Hase ahaatee, Wasaaradda ayaa sheegtay in ay dhaqangelinayso xeerarka sugidda amniga ee golayaasha Dowladda ka soo baxay.