Jul 19 (Jowhar) Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa caawa shir deg deg ah uga socdaa Guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed, halkaas oo ay kaga arrinsanayaan shirka beri ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirkan oo uu guddoominayo madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa diiradda lagu saaraya mowqif mideysan oo mucaaradku ku galaan kulanka dowladda.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee shirka ku sugan waxaa ka mid ah:
Maxamed Xuseen Rooble, Xasan Cali Kheyre, Cumar Cabdirashiid, Saacid, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Sheekh Cusmaan (Mursal) iyo xubno kale.
Shirkan ayaa yimid saacado uun kadib kulan ay mucaaradku la yeesheen wakiilada beesha caalamka, kuwaas oo ku booriyay dhinacyada siyaasadda inay ka shaqeeyaan xal waara oo ku dhisan wada-tashi iyo heshiis siyaasadeed.
Wararka laga helayo kulanka Guriga Sheekh Shariif ayaa tilmaamaya in hoggaamiyeyaashu ay isku dayayaan inay ka wada-hadlaan qodobada ay dooneyaan inay beri horgeeyaan dowladda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, Dastuurka iyo geedi-socodka dib-u-heshiisiinta.
Mucaaradku waxay doonayaan inay muujiyaan mowqif mideysan oo ka dhan ah khilaafaadka siyaasadeed ee hadda taagan, si loo hubiyo in miiska wadahadalka uu noqdo mid ay danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed ku jiraan.
Shirka beri ee dowladda iyo mucaaradka ayaa loo arkaa mid go’aamin kara jihada siyaasadeed ee dhowaan dalka uu qaadi doono, walow ay ka maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jibaland oo ay mucaarad wada yihiin dhinacyadan.