Ilham Cumar “Trump waxaa uu ceeb ku yahay dadka Mareykanka, waa cunsuri beenlow ah.”

0
130

Nov 08(Jowhar)-Xildhibaanad Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ee dalka Mareykanka ayaa si kulul uga jawaabtay hadal uu u jeediyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo uu ku sheegay in xisbiga Dimuqraadiga uu yahay “hoggaan la’aan sida Soomaaliya”, isla markaana ay tahay in Ilhaan Omar “dib loogu celiyo Soomaaliya.”

Ilhaan Omar ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X (Twitter) ku tiri:

“Maalin cusub iyo been kale. Donald Trump wuxuu ceeb ku yahay dadka Mareykanka, waa cunsuri beenlow ah.” ayey tiri.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ololaha doorashada Mareykanka uu si xowli ah u socdo, islamarkaana ay sii kordhayaan weerarrada siyaasadeed ee u dhexeeya Donald Trump iyo xubnaha xisbiga Dimuqraadiga.

Ilhaan Omar, oo asalkeedu yahay Soomaali, ayaa horey dhowr jeer ugu eedeysay Trump inuu neceb yahay dadka muhaajiriinta ah iyo dadka midabka leh