Israel oo duqeymo cusub ka fulisay Qaza xili heshiis nabadeed la shaaciyay

0
81

Nov 09(Jowhar)-Israel ayaa saaka duqaymo culus ka geysatay marinka Qasa, xilli xalay lagu dhawaaqay heshiis nabadeed oo ay garwadeen ka yihiin Mareykanka, Qatar, Masar iyo Turkiga.

Heshiiskan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid lagu soo afjarayo dagaalka muddada dheer socday, isla markaana laysku dhaafsanayo maxaabiista labada dhinac.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in duqaymaha maanta ay sababeen khasaaro naf iyo maalba leh, inkastoo faahfaahinta rasmiga ah ee dhimashada aan weli la shaacin.

Dhinaca kale, madaxweynaha  Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu toddobaadkan tegi doono Bariga Dhexe, isaga oo tilmaamay in mustaqbalka Qasa ay noqon doonto “meel nabdoon oo la dhisi doono”,

“Qasa waxay noqon doontaa meel nabdoon, waxa dib u dhisaya dalalka deriska la ah, waayo wax kasta way karaan.” Ayuu yiri.