Tuesday, February 10, 2026
Home NEWS Golaha Wasiiradda oo ansixiyay heshiisyo waxbarashada oo Soomaaliya la gashay Qadar, Uganda...

Golaha Wasiiradda oo ansixiyay heshiisyo waxbarashada oo Soomaaliya la gashay Qadar, Uganda iyo Ajeeriya

1734

Nov 08(Jowhar)- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan dhinacyada  waxbarashada iyo cilmi-baarista.

Hehsiisyada isfgarad ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada, soona gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa kala ah;

1. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan Waxbarashada.

2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsan Tacliinta Sare iyo

3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya kuna saabsan Tacliinta Sare Cilmi Baarista.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa looga dhageystay wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo la-dagaallanka Khawaarijta.