Calooshood-u-shaqeystayaal reer Kolombiya oo Marin u ah Boosaaso si ay uga dagaallamaan Suudaan

0
215

Nov 11(Jowhar)-Warbixin uu daabacay wargayska caanka ah ee The Guardian ee kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in calooshood-u-shaqeystayaal u dhashay dalka Kolombiya laga tahriibiyo Puntlqnd, gaar ahaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aan loo dirin dagaalka ka socda dalka Suudaan.

Warbixinta oo lagu xusay magaca nin lagu sheegay Carlos, oo hore uga tirsanaa ciidamada Kolombiya, ayaa faahfaahinaysa safarka dheer ee calooshood-u-shaqeystayaasha lagu geeyo goobaha dagaalka, taasoo bilaabmaysa laga soo bilaabo baaritaanno caafimaad oo lagu sameeyo magaalada Bogotá ee caasimadda Kolombiya.

Carlos ayaa sheegay in uu saxiixay heshiis uu ku qaadanayo $2,600 bishii, ka hor inta aan loo duulin Sudan, iyada oo loo sii marayo dalal Yurub ah iyo Itoobiya, kadibna loo qaaday saldhig ciidan oo Imaaraadku leeyahay oo ku yaalla Boosaaso.

Halkaas ayaa la sheegay in lagu tababaro oo laga sii qaado, iyaga oo ugu dambayn lageeyo magaalada Nyala ee dalka Suudaan, taas oo hadda caan ku noqotay xarun lagu ururiyo dagaalyahannada reer Kolombiya ee calooshood-u-shaqeystayaasha ah.

Wargayska The Guardian ayaa tilmaamay in ay jiraan caddaymo muuqda iyo wareysiyo laga qaaday rag badan oo lagu tababaray saldhigga Boosaaso, kuwaas oo sheegay in Imaaraadka Carabta ay kaalin weyn ku leeyihiin abaabulka, bixinta lacagta, iyo dirista dagaalyahannadan.

Warbixintu waxay sheegtay in dhaq-dhaqaaqan uu qeyb ka yahay shabakad milatari oo caalami ah oo ay ku lug leeyihiin shirkado amni oo gaar loo leeyahay iyo dowlado xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta, kuwaas oo adeegsada dagaalyahanno la kireysto si ay u fuliyaan howlgalada militari ee gobolka.

Ilaa hadda Imaaraadka Carabta iyo dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin eedeymaha The Guardian, hase yeeshee falanqeeyeyaasha ayaa ku tilmaamay arrintan mid muujinaysa sida Soomaaliya loogu adeegsado saldhig istiraatiiji ah oo ay ku tiirsan yihiin dalal shisheeye.