Madaxweynaha Somaliland Cirro oo safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya

0
152

Nov 14(Jowhar)-Madaxweynaha Mamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u duulay dalka Itoobiya, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Somaliland ay Af-amxaari ku shaacisay in ujeedada socdaalka ay tahay iskaashi dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Wasaaradda ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in socdaalka madaxweynuhu yahay mid labada dhinac ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada gole. Wararka rasmiga ah ee wasaaradda ayaa tilmaamay in la filayo kulamo heer sare ah oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada, xoojinta ganacsiga, iyo maal-gashiga.

Somaliland iyo Itoobiya waxay horey u galeen heshiis is-afgarad badeed kaas oo ka dhashay xiisado siyaasadeed oo dhex maray Muqdisho iyo Addis Ababa. Heshiiskaas ayaa sababay muran siyaasadeed oo heer gobol ah, isla markaana qayb ka noqday diidmooyin iyo hadallo dhaliyay xiisad siyaasadeed.

Sidoo kale, warbaahinta Itoobiya xalay waxay tebisay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu taageeray qorshe ay Itoobiya ku gaari karto Badda Cas, iyadoo la ilaalinayo madax-banaanida Dowladda Federaalka Soomaaliya — sida ay werisay EBC. Ma cadda in arrintaasi ay keeni doonto is-beddel ama cagajuglayn ku saabsan heshiisyadii hore ee gobolka, balse hadalka EBC wuxuu kor u qaaday xiisadaha siyaasadeed ee gobolka.