Nov 16(Jowhar)-Wasiirka Gaashaandhigga Israa’iil, Yisrael Katz, ayaa ku amray militariga inay diyaariyaan qorshe dhammaystiran oo lagu jabiyo kooxda Xamaas ee Gaza haddii dagaalku dib u bilaabmo, iyadoo ay jirto caro ay Israa’iil ka muujisay dib u dhac ku yimid soo celinta maxaabiista la dilay.
Israa’iil waxay hay’adda Laanqayrta Cas ka gudoontay naxashka meydadka laba lahayste oo Israa’iilyiin ah, kuwaas oo lagu wareejiyay ciidamada militariga Israa’iil iyo hay’adda ammaanka ee Shin Bet gudaha Marinka Gaza, sida uu sheegay xafiiska Netanyahu.
Maydadka ayaa la qorsheeynayaa in loo wareejiyo Israa’iil, halkaas oo lagu aasi doono.
Ka dibna waxaa loo wareejin doonaa Machadka Qaranka ee Caafimaadka Forensic-ka, oo tos ugu ula xirriira wasaaradda Caafimaadka, qoysaskoodana si rasmi ah ayaa loo ogeysiin doonaa marka la dhammeeyo habraacyada xaqiijinta aqoonsiga, ayaa lagu yiri bayaanka soo baxay.
Hanjabaadda Katz ee Arbacadii ee ah in dib loo bilaabi doono dagaalka haddii Xamaas aysan u hoggaansamin shuruudaha xabad joojinta ayaa timid ka dib markii Xamaas ay dalbatay in helitaanka meydadka haray ay u baahan doonto “qalab gaar ah.”
Dhankiisa, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa isna Arbacadii sheegay in “ aanay jirin wax sabab ah oo ciidamada Mareykanka ay u soo farageliyaan Gaza.”
Trump wuxuu xusay in “Xamaas ay baadi goobeyso meydadka maxaabiista dhintay, laakiin qaar ka mid ah meydadka ayuu sheegay inay ku jiraan kannaalka.”
Waxaa uu intaa ku daray in “Xamaas ay durbaba baadi goobeyso meydadka maxaabiista. Qaar ka mid ah meydadka ayaa aasnaa muddo dheer, qaarna waxay ku hoos jiraan burburka.”
Trump ayaa ku celceliyay hanjabaaddiisii ahayd, inuu adeegsanayo awood si uu hubka uga dhigo Xamaas, isagoo yiri, “Waxaan rabnaa in Xamaas ay iska dhigto hubkeeda, wayna ogolaadeen inay sidaas sameeyaan. Haddii aysan sameyn, waan ka shaqeyn doonnaa arintaas.”