Guddoomiyaha Midowga Afrika oo kulan la yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

0
505

Nov 17(Jowhar)-Guddoomiyaha Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada nabadgalyada, xasilloonida, iyo xalinta khilaafaadka ka taagan qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa uga mahadceliyay Golaha Ammaanka taageerada ay siiyaan howlgalada nabad ilaalinta ee Afrika, isaga oo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dardargeliyo iskaashiga labada dhinac si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar.

Dhankiisa, wakiilka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada Midowga Afrika, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabad ilaalinta iyo barnaamijyada horumarinta bulshada.