Nov 20(Jowhar)-Ciidamadda Isra1l ayaa Shalay oo kaliya 42 Falastiiniyiin ah ku dishay magaalada Qaza.
Waxey noqotay shalay mid ka mid ah maalmaha ugu dhiigga badan ee Qaza soo marta tan iyo markii la bilaabay xabbad-joojinta uu dhexdhexaadiyay Mareykanka 10-kii Oktoobar.
Tirada guud ee dadka Isra1l ku dishay dagaalka Qaza ayaa hadda gaartay 68,159 qof, halka 170,203 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo 7-dii Oktoobar 2023.