Nov 20(Jowhar)-Maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya ayaa yeeshay Golihii Wasiirro ee ugu horreeyey, kuwaasoo saqdii dhexe ee xalay lagu dhawaaqay.
Wasiirrada cusub ee maamulka Woqooyi-bari Soomaaliya ayaa loo kala qeyb-saday Sool:6, Sanaag:6, Cayn:6 iyo Haylaan:3.
Sida liiska la faafiyay ku cad, waxa ku jira Wasiirrada Dekedaha, Badda, Kalluumaysiga & Macdanta, iyada oo aanu weli maamulku meel xeeb leh gaarin.
Wasiirka Qoys waxaa loo magacaabay Saynab Calawaash oo ka tirsanyd Hey’adda Bisha-cas, waxey noqotay Wasiirka keli ah ee Haweenku ka heleen xukuumadda Woqooyi-bari Soomaaliya.