Nov 23(Jowhar)-Ku dhowaad 40 muhaajiriin ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen xeebaha dalka Tunisia, kadib markii ay gaddoontay dooni ay saarnaayeen oo u socotay dalka Talyaaniga, sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Tunisia.
Saraakiisha amniga iyo kooxaha gurmadka badda ayaa sheegay in doonidaasi ay sidday muhaajiriin u badan dad ka yimid waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika, kuwaas oo rajaynayey inay gaaraan qaaradda Yurub si ay uga helaan nolol ka wanaagsan tan ay kaga soo carareen dalkooda.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dad tiro yar laga soo badbaadiyey, balse weli la raadinayo qaar kale oo la rumeysan yahay inay la degeen doonida.
Shilkan ayaa ka mid ah kuwa badan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay badda Mediterranean-ka, halkaas oo ay marar badan ku dhintaan muhaajiriin isku dayaya inay gaaraan xeebaha Talyaaniga ama Malta.
Hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa ka digay xaaladda sii xumaanaysa, iyagoo sheegay in sanadkan oo keliya ay kumannaan qof ku naf waayeen badda Mediterranean-kaiyagoo ku jira safarro khatar ah oo ay ku doonayaan Yurub.