Madaxweynaha Puntland oo Inkiray maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan ka dhisay

0
245

Nov 25(Jowhar)-Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhigga 57-aad ee baarlamanka maamulkiisa ayaa inkiray maamulka Waqooyi bari ee dhawaan la dhisay.

Deni oo ka hadlayay maamulada ay xadka wadaagaan ayaa sheegay Somaliland iyo Galmudug, isagoon soo hadal qaadin maamulka cusb ee caasimadiisu tahay Magaalada Laascaanood.

Wuxu yiri Siciid Deni: “Waxa naga go’an in aan nabad kula noolaano derisyadeena Somaliland & Galmudug, waxaana Madaxweynaha Somaliland ku ammaanayaa gogosha Nabadda Ceerigaabo oo aan borrinayo in laga wada qaybgalo.”

Deni ayaa meesha ka saaray in PL & SL ay cidi u dhaxayso, isagoo Inkiray maamulka Waqooyi bari ee dhawaan la dhisay, kaasoo kamid ah maamulada xadka la leh Puntland