Baarlamaanka Jabuuti oo wax ka bedelaya da’da qofka madaxweynaha noqonaya oo xadidneyd

0
126

Nov 26(Jowhar)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,  waxa uu todobaadkii la soo dhaafay uu qaaday tallaabo hadal hayn weyn ka abuurtay baraha bulshada ee dalkaas taas oo ahayd in uu meesha ka saarayo xeerkii xaddiday da’da laga doonayo qofka madaxweyne dalkaas ka noqonaya.

Baarlamaanka dalkaas oo kulan yeelanaya berri oo Axad ah  ayaa guud ahaanba la filaya in ay meesha ka saaraan qodobka xaddiday in Ismaaciil Cumar Geelle uu mar kale isu soo taago doorashada la filayo in dalkaas looga dareero badhtamaha sannadka soo socda ee 2026-ka.

Xeerkan cusub ayaa dhigaya in madaxweynuhu uu sii wadan karo tartankiisa doorashada kaas oo soo taxnaa 26-kii sano ee la soo dhaafay isaga oo da’diisu hadda tahay 77 sanno.

Dastuurka dalkaasi ayaa dhigaya in qof ka weyn 75 sanno aanu isu-soo sharrixi karin madaxweyne.

Mucaaridka dalkaas oo aan awood muuqata ku dhex lahayn gudaha Djabouti ayaa si weyn uga qayliyey arrinkaas waxayna ku tilmaameen in uu yahay gef lagula kacay bulshada reer Jabuuti.

Alex Maxamed Geeldoon oo hore u ahaa la taliyaha madaxweynaha Jabuuti haddana ku biiray dadka mucaaridka ah ee sida weyn u diiddan siyaasadda madaxweyne Geelle ayaa si weyn uga soo hor jeestay in madaxweyne Geelle uu mar kale isa soo sharraxo isaga oo gaashaanka u daruuray qodobka wax laga beddelay ee Dastuurka ku qornaa.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu Jabuuti soo xukumayey tan iyo 1999-kii, waxana uu mar walba ku guulaysanayey codad aad u badan iyada oo aanu jirin xisbi muuqda oo la tartama xisbiga dalkaas awoodda ku leh ee RPP.

Sidoo kale, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si weyn uga shaqaynaya in Baarlamaanka dalkaasi ay bisha soo socota meel mariyaan xeerar uu ku sii kordhinayo awooddiisa kuwaas oo meesha ka saarayo qodobo Dastuurka hore ugu jirey

Jabuuti, oo ah dalka ugu dhulka iyo dadka yar gobolka Geeska Afrika, waxa lagu tilmaamaa in aanu ahayn waddan haysta dimuqraadiyad furan oo si muuqata loogu tartamo sida Somaliland iyo Kenya.

Waddankan, ayaan lahayn mucaarid saamayn leh oo kursiga loollan u geli kara marka laga reebo shakhsiyaad qurbaha ku maqan oo aan awood u lahayn in ay dalkaas cagta soo dhigaan, waana midda  madaxweyne Geelle u suurta gelisay in uu kursiga ku fadhiyo tan iyo 1999-kii.

Madaxweyne Geelle waxa uu doorashadii u dambaysay ee 2021-kii uu ballan qaaday in aanu mar dambe isa soo sharrixi doonin isaga sheegay in ay dadku ka codsadeen in uu dalkaas sii hoggaamiyo balse waxa hadda muuqata in uu beddelay go’aankiisi hore.