Deni, Madoobe iyo Madasha Samata-bixinta oo ergo kala metelaya shir ka yeelanaya xaaladda dalka

0
136

Nov 27(Jowhar)-Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ah madal mucaarid oo dhawaan lagu asaasay magaalada Nairobi ayaa yeelanaysa shirkii ugu horreeyay kaddib marka la dhammaystiro qaab dhismeedka Golaha.

Madasha Samatabixinta oo qayb ka ah dhinacyada ku midaysan ayaa gudbisay laba xubnood oo ku metalaya guddida golahaas oo kala ah.

1. Xildhibaan Cabdilaahi Xaaji Abukar (Eng Carab)

2. Dr. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)

Puntland iyo Jubaland ayaa dhankooda laga sugayaa inay soo magacaabaan min laba xubnood si ay u dhammaystirmaan xubnaha Guddida Golaha Mustqablka ee Soomaaliya.

Waxaa dhawaan la filayaa inay hawlgalaan xubnahan magacaaban, si ay u bilaabaan shaqo galka Golaha Mustqabalka Soomaaliya iyo qabanqaabada shirka koowaad oo la filayo inuu ka dhaco Garoowe ama Kismaayo.