Madaxweyne Trump oo ka hadlay duqeynta Israel ay ku dishay 50 Falastiiniyiin ah

0
299
Republican presidential candidate and former U.S. President Donald Trump sits in the courtroom, as his criminal trial over charges that he falsified business records to conceal money paid to silence porn star Stormy Daniels in 2016 continues, at Manhattan state court in New York City, U.S., May 6, 2024. REUTERS/Brendan McDermid/Pool

Nov 29(Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa Arbacada maanta sheegay in “waxba” aysan khatar gelin doonin xabbad joojinta Gaza, xitaa iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha ay ka geysatay Qaza oo ay ku dhinteen ku dhawaad 60 qof.

“Waxay dileen askari Israa’iili ah, sidaas darteed Israa’iiliyiintu way ka jawaabeen, waa inay ka jawaabaan,” ayuu Trump u sheegay saxafiyiinta xili uu la socday diyaaradda Air Force One intii uu ku guda jiray safarkiisa Asia, eedeymahaas oo Xamaas ay beenisay.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, ayaa sidoo kale mar sii horeysay xaqiijiyay in xabad joojinta Gaza ay sii socoto inkastoo Israel ay duqeymo ka geysatay magaalada Gaza, iyadoo Israa’iil iyo Xamaas ay is dhaafsadeen eedeymo ku saabsan in la jabiyayheshiiska.

“Xabbad joojintu waa ay socotaa. Taas macnaheedu maaha inaysan dhici doonin isku dhacyo yar yar oo xagan iyo xagaas ah,” Vance ayaa sidaa u sheegay wariyaasha.

Waxaa uu intaa ku daray, “Waan ognahay in Xamaas ama koox kale oo ku sugan Qaza ay weerar ku qaadeen askari Israa’iil ah, waxaan filaynaa in ay jawaab ka bixiso Israa’iil, laakiin waxaan aaminsanahay in heshiiska nabadeed ee uu madaxweynuhu sameeyay uu noqon doono mid sii jiri doonta.