Nov 16(Jowhar)-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab ayaa howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo halkaas jab culus lagu gaarsiiyey kooxda Shabaab.
Ciidamada ayaa howlgalkaas ka fuliyey deegaannada kala ah; Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile oo hoos taga degmada Jamaame, iyadoo jab culus la gaarsiiyey, lagana saaray kooxda deegaannadii ay ku dhuumaaleysanayeen.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada isgarabsanaya ayaa weeraray fariisimihii Kooxdaan Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa hawlgalka, waxaa halkaas lagu dilay 56 Dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka 20 kale oo dagaalamayay nolosha lagu soo qabt
Howlgalka waxaa barbar socday duqeymo ay fuliyeen Ciidamada Qaranka, waxaana la burburiyey dhammaan goobihii ay Khawaarijtu uga dhuumaaleysanayeen aaggaas, Saraakiisha Xoogga Dalka ayaa sheegay inay weli sii baacsanayaan firxadkii Khawaarijta lagu jebiyey howlgalka ka socda aagga degmada Jamaame.










