Jul 21 (Jowhar)-Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xuseen Macallin, ayaa u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud warqaddiisa is-casilaadda, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku dhow Madaxtooyada.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Xuseen Macallin uu cabasho ka muujiyay faragelin uu sheegay in ay ku hayaan howlaha xafiiskiisa qaar ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada, gaar ahaan Lataliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Difaaca, Jihaan Xasan. Sida lagu soo waramayo, Jihaan Xasan ayaa si gaar ah ula wareegtay maamulka file-ka AUSSOM.
Wuxuu sidoo kale cabasho ka muujiyay inaan tan iyo bishii December loosoo fasixin miisaaniyadda xafiiska Amniga Qaranka, taas oo ah miisaaniyad uu horey u ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige, ayaa lagu eedeeyau inuu hakiyay ama dib u dhigay fulinta miisaaniyadda xafiiska, taas oo sii hurisay khilaafka u dhexeeya Xuseen iyo mas’uuliyiinta Madaxtooyada.
Is-casilaadda Xuseen Macallin waxay ku soo beegmaysaa xilli ay socdaan dib-u-habeyn amni iyo qorshayaal ku saabsan hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, halka Dowladda Federaalka ay wajahayso cadaadisyo gudaha iyo dibadda ah oo la xiriira fulinta heshiisyada caalamiga ah iyo taageerada ciidanka ATMIS/AUSSOM.
Ilaa iyo hadda, Madaxtooyada Soomaaliya kama aysan hadlin arrinta is-casilaadda, mana jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ee ku saabsan cidda buuxin doonta booska bannaan.