Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro Cusub

87

Dec 13(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqon doona Golaha Wasiirrada.

Wasiirka cusub ee Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa loo magaacabay Jamaal Maxamed Xasan, iyadoo xilkaas laga qaaday Maxamuud Axmed Aadan ( Geesood).

Sidoo kale, Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guryeynta XFS,iyadoo uu xilkaas laga qaaday Cilmi Maxamuud Nuur.

Afhayeenka Xukuumadda Abdinasir Ahmed Bashir ayaa warbaahinta u akhriyay wareegtada Ra’iisul Wasaaraha, wasiirrada cusub ayaa la faray in ay si deg deg ah xilka ula wareegeen si ay u gutaan waajibaadka qaranka ee loo igmaday.