Ra’iisul wasaaraha Hindiya oo booqashadiisii u horeysay ee Afrika ka bilaabaya Itoobiya

212

Dec 16(Jowhar)-Raysal Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa lagu wadaa inuu manta booqasho ku tego dalka Itoobiya, taas oo ah booqashadiisii ugu horreysay ee rasmi ah ee uu ku tago dalkaas.

Modi ayaa haatan ku guda jira safar diblomaasiyadeed oo uu ku marayo saddex waddan oo kala ah Urdun, Itoobiya, iyo Cumaan, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Xafiiska Raysal Wasaaraha Hindiya.

Safarka Addis Ababa wuxuu qayb muhiim ah ka yahay safarkiisa diblomaasiyadeed ee saddexda waddan ah oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo xiriirka Hindiya ee Galbeedka Aasiya iyo Afrika.

Raysal wasaare Modi ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo baarlamaanka Itoobiya.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu la wadaago safarka dimuqraadiyadda Hindiya iyo inuu xoogga saaro qiimaha iskaashiga Hindiya iyo Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu wadahadallo laba geesood ah oo faahfaahsan la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.