Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka 2026 oo la ansixiyay

28

Dec 23(Jowhar)-Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa sideedaad ee wadajirka ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye kuxigeenada labada aqal.

Kooramka kulanka maanta oo ku furmay 151-Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 28-senator oo ah Aqalka Sare ah, ajendihiisu waxa uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee qoondada miisaaniyadda mudanayaasha labada aqal la wadaagay Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga iyo Laxisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).

Intaasi ka dib mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa u codeeyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, waxaana ogolaatay 174-Xildhibaan, afar Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanada labada aqal uga mahadceliyey ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026.

Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026 ayaa tiro ahaan gaareysa $1,386,807,242�(Hal Bilyan, Saddex Boqol Sideetan iyo Lix Milyan, Sideed Boqol iyo Toddobo Kun, Laba Boqol Afartan iyo Laba Doollar), taas oo ah tiir muhiim u ah hirgelinta qorshayaasha horumarineed, xasillinta dhaqaalaha, iyo adkeynta adeegyada dowladda.