Hormuud Salaama Foundation oo deeq Gargaar ah gaarsiisay Dad danyar ah

Mar 08(Jowhar)-Hay’adda Hormuud Salaama Foundation ayaa deeq gargaar ah waxaa ay ku wareejisay Hay’adda Soheda oo gacanta ku haysa dad danyar ah.

Deeqdaan ayaa waxaa ay qayb ka tahay mashruuca afurinta iyo Taakuleynta ee bisha Barakaysan ee Ramadaan taasoo ay waday Hay’adda  Hormuud Salaama Foundation iyadoona ay ka faaideysteen ku dhawaad 100 qosy oo danyar ah.

Deeqdaan ayaa waxaa ay ka koobneed Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Timir si ay ugu moodaan bisha barakaysan ee Ramadaan.

C/raxmaan Ibraahim Cilmi Gudoomiye ku xigeenka Hay’ada Hormuud Salaama Foundation ayaa sharaxay deeqdaan maanta ay gaarsiyeen xarunta SOHEDA.

Gudoomiyaha Jamciyadda SOHEDA Saciid Abuukar Maxamed ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay deeqdaan maanta ay soo gaarsiyeen.

Dadkii ka faa’ideystay deeqdaan ayaa  uga mahad celiyay Hay’adda Hormuud Salaama Foundation iyagoo  xusay in sanad walba ay hay’adan deeq tan la mid ah ay soo gaarsiiso.

Hay’adda Hormuud Salaama Foundation ayaa deeq hore u gaarsiisay xarumo kala duwan kuwaasoo sanad walba ay hay’adda deeq cunto iyo lacag ah gaarsiiso sanad walba marka la gaaro bisha barakaysan ee Ramadaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More