Tuesday, February 17, 2026
Home NEWS Abiye oo Erdogan kala hadlay Badda ay Itoobiya u baahan tahay

Abiye oo Erdogan kala hadlay Badda ay Itoobiya u baahan tahay

143

Feb 17(Jowhar)-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka garab hadlayay madaxweynaha Turkiga Rejeb Dayib Erdogan oo jooga Addis Ababa ayaa sheegay in ay si xoogan uga hadleen arrimaha marinka Badda ee ay Itoobiya u baahan tahay.

“MW Erdogan, waxaan qaadanay wada hadal xoogan oo maqaam sarreeya, kaas oo la xariira arrimaha marinka Badda, waxaan ak hadalnay in 130Milyan shacab ah aysan xayn-daab bad la’aana ku sii noollan karin” ayuu yiri RW Itoobiya oo sheegay in Badda laga hadlay & marinka ay Itoobiya rabto.

Baaqii Ankara ee ay gaareen Soomaaliya & Itoobiya, waxaa ku jiray soo jeedin ah in ay Itoobiya hesho marin badeed ay ku gaarto si waafaqsan madax banaanida & xeerarka caalamiga ah, Turkiga ayaa Itoobiya u aragta xaliif wanaagsan oo Geeska Afrika ah.