Mar 20 (Jowhar)-TV-ga qaranka Iran ayaa shaaciyay dilka General Ali Mohammad Naini, oo ahaa afhayeenkii ciidamada ilaalada kacaanka Iran ee IRGC.
Warka ka soo baxay dowlada Iiraan ayaan lagu sheegin xilliga la diley general Naini balse waxaa ciidamada Maraykanka iyo Iran ay duqeyn xoog leh ka geysteen magaalooyin ka mid ah dalka Iran sida Karaj, Kerman, dekedda Bandar Lengeh iyo Kashan.
General Naini waxa uu ka soo jeedaa gobolka Kashan waxa uu ahaa 68-jir isagoo loo magacaabay afhayeenka IRGC sanadkii 2024.
Maalintii ugu horeysay ee duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Iran, waxaa lagu dilay hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Seyyid Ali Khamenei iyo dhowr sarkaal oo sare oo militari ah. 8-dii Maarso, Golaha Khubarada Iiraan waxay cod aqlabiyad ah ugu doorteen Seyyed Mojtaba Khamenei inuu noqdo Hoggaamiyaha Sare ee saddexaad ee Iran.










