Tuesday, February 10, 2026
Home NEWS Axmed Madoobe oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Axmed Madoobe oo soo gaaray magaalada Muqdisho

27

Feb 10(Jowhar)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed islaam ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,isagoo ay garoonka ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ay ka mdi yihiin xildhibaano.

Imaanshaha Madaxweynaha Jubbaland ee caasimda dalka ayaa la xiriirta sidii uu uga qeybgali lahaa kulan ay yeelanayaan madaxda madasha samatabixinta Soomaaliya iyo madaxwaynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ka hor inta uusan Muqdisho soo gaarin ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray ciidamo la sheegay in ay ilaaladiisa ka mid yihiin.