Wednesday, March 4, 2026
Home NEWS Baarlamaanka oo si aqlabiyad ah ku ansixiyay Dastuurka

Baarlamaanka oo si aqlabiyad ah ku ansixiyay Dastuurka

195

Mar 04(Jowhar)-Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku ansixiyey Dastuurka rasmiga ah ee dalka.

Kulanka oo ay si wadajir ah u yeesheen labada Aqal, isla markaana uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa lagu meel mariyey Dastuurka kaddib cod aqlabiyad ah.

Wadarta 223 xubnood oo ka kala tirsan labada Aqal ayaa ka qeyb galay ansixinta, kuwaas oo kala ahaa 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 Senator oo Aqalka Sare ah. Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in Dastuurka uu ku ansaxay cod aqlabiyad ah, sida ku cad xeer-hoosaadka Baarlamaanka.

Ansixinta Dastuurkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo horumar u ah dhameystirka hannaanka dowlad-dhiska iyo adkeynta hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.