Mar 04(Jowhar)-Gudoonka golaha shacabka ayaa maanta doonaya in uu ansixiyo cutubka 4aad iyo 13 aad ee dastuurka cusub ee xukumadu doonayso in dalku yeesho walow ay si adag u diidan yihiin golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
Xildhibaano ka tirsan mucaaradka oo ay u dhamaatay 12 kulan oo ganaax ah ayaa maanta qaarkood isku dayeen in ay tagaan xarunta balse waa laga hor istaagay iyadoo wali liiska ay haayaan ciidanka amaanka.
Xukumada ayaa maanta gaysay xarunta golaha shacabka ciidamo dheeri waxaana qorshu yahay in la dhamaystiro dastuurka oo mudo hadalkiisa taagnaa kaas dadka qaarkood shaki galinayaan in la heli karo kooram dhamaystiran.
Dadka dhaliilsan qaabka ay dowladu u wajahayso arrimaha dastuurka ayaa kuu sheegaya doodu maahan mala ansixi doonaa balse waa mala dhaqan gali doonaa halkee ayuusa ka dhaqan gali doonaa?










