Nov 11(Jowhar)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday dib-uhabeyny lagu sameeyay geeddi-socodka soo saarista Baasaboorka Soomaaliga ee Jiilka Saddexaad, kaas oo noqonaya mid elektaroonig ah oo laga sameeyay polycarbonate, nooc si weyn looga isticmaalo dunida, kuna caan ah adkeysi, amni iyo tayo sare.
War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in baasaboorka cusub uu buuxin doono dhammaan heerarka amniga iyo tayada ee ay dejisay Hay’adda Duulista Caalamiga ah (ICAO), taasoo kor u qaadaysa sumcadda iyo kalsoonida baasaboorka Soomaaliya.
Sidoo kale, hay’addu waxay tilmaamtay in horumarkan uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu casriyeynayo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda, iyadoo la adeegsanayo habka bahwadaagga dowlad iyo shirkad gaar loo leeyahay (Public-Private Partnership – PPP).
Baasaboorka cusub ee la qorsheeyay wuxuu yeelan doonaa astaamo cusub oo casri ah, kuwaas oo:
• wuxuu Sare u qaadayaa heerka amniga iyo ilaalinta xogta.
• Wuxuu Hagaajinayaa tayada iyo muuqaalkiisa si uu ula jaanqaado baasaboorrada caalamiga ah.
• Wuxuu Xoojinayaa kalsoonida caalamiga ah ee dukumintigan muhiimka ah.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sidoo kale bilaabeysa wadatashi ballaaran oo lala yeelanayo bulshada Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, bulshada rayidka, iyo daneeyayaasha kale ee khuseeya arrintan, si loo hubiyo in baasaboorka cusub uu noqdo mid matalaya rajada, sumcadda, iyo baahida muwaadiniinta Soomaaliyeed.