Thursday, February 12, 2026
Home NEWS Buuq caawa ka taagan Muqdisho iyo mucaaradka oo goordhow hadlayo

Buuq caawa ka taagan Muqdisho iyo mucaaradka oo goordhow hadlayo

43

Feb 12(Jowhar)-Dawladda Federaalka ayaa caawa xiratay jidadka gala garoonka Aden Cadde, halkaas oo ah meesha ay degan yihiin madaxda Jubbaland iyo Puntland, xogo ayaa sheegaya in xiritaanka jidadka ay farsamo cusub u muuqato.

Sidoo kale ciidan dheeraad ah ayay wararku sheegayaan in magaalada lagaliyey, inkasta oo ay arrintan diidan yihiin xubno katirsan dhanka dawladda.

Guriga madaxweyne hore Shariif Sheikh Axmed ayuu hadda shir uga socdaa Golaha Mustaqbalka oo ay kamaqan yihiin Jubbaland iyo Puntland.

Xubnahan qaarkood ayaa laga soo ceshay gudaha garoonka oo loo diiday in ay tagaan hotelka madaxda PL iyo JL degan yihiin, taas oo aan ilaa hadda faahfaahin laga bixin, RW hore Xassan Cali ayaa kasoo baxay garoonka oo lug kutagay gudiga MW Shariif Sh Axmed.