Mar 04(Jowhar)-Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inay xireen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo kamid ah la taliyaasha Madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, iyadoo lagu eedeeyay falal khatar ku ah amniga.
Qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidank Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu xaqijiyay xariga Hurer.
?Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkiisa qaran ayaa caawa soo qabtay eedaysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga lid ku ah, waxaana ku socota Baaris.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray waxa uu ku beeniyay eedeymaha loo haysto Hurre,waxaana uu maamulku ku eedeeyay ciidamada booliska inay jirdil ku sameeyeen mas’uulka la xirey,










