July 27(Jowhar)-Ciidamada loo yaqaan PSFta oo dhawaan sheegay inay ka tirsan ciidamada dowlada federalka ayaa faarujiyay xaruntoodii magaalada Gaalkacyo dhanka ay maamusho Puntland, iyaga oo u guuray dhanka maamulka Galmudug.
Ciidamada PSF oo xaruntooda labaad ee Puntland ku lahaa meel u dhow garoonka diyaaradaha Gaalkacyo waxay guureen kaddib markii ay agagaarkooda soo dageen ciidamo farabadan oo ka tirsan Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada PSF ee dhanka Galmudug ay wateen illaa 5 gaari oo ay haysteen, waxayna guuritaankoodii timid kadib markii Maamulka Puntland uu ku eedeeyay Maamulka Galmudug Iyo dowlada federalka inay qalqal amni ka wadaan gudaha Puntland.
PSF oo hadda sheegta in ay ka tirsan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa dhawaan lagala wareegay 8 gaari, kaddib dagaal ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Boosaaso.
Puntland waxay sheegtay in aysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamadeeda difaaca iyo ciidan ka tirsan Federaalka oo ka howlgala deegaannadeeda, sida lagu xusay war-saxaafadeed habeen hore ka soo baxay madaxtooyada Puntland.





