Monday, July 27, 2026
Home NEWS Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Maraykanka

Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka Maraykanka

50
Three dead after shooting at Seattle food festival
Seattle police said there were 'multiple shooting victims' near the city's Space Needle observation tower

July 27(Jowhar)-Saddex qof ayaa la dilay afar kalena oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku dhaawacmay kadib markii rasaas lagu furay xaflad cunto oo ka dhacaysay bartamaha magaalada Seattle ee dalka Maraykanka.

Booliska ayaa sheegay in qof looga shakisan yahay falkaasi la xiray,hase yeeshee waxaa jira warar sheegaya in qof labaad uu ku lug lahaa dhacdadaas lana baadigoobayl

“Waxaan rabaa inaan u mahadceliyo saraakiisha booliiska Seattle ee ka soo jawaabay falkii dhacay oo xabsiga dhigay qof looga shakisan yaay,” ayay tiri duqa magaalada Seattle Katie Wilson.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin aqoonsiga dadka lagu tuhunsan yahay inay weerarkan ka dambeeyeen.

Booliisku waxay weli wadaan baaritaanka, waxaana dadweynaha looga digay inay ka fogaadaan agagaarka Seattle Center.

Mas’uuliyiinta magaalada Seattle iyo gobolka Washington ayaa cambaareeyay weerarka, iyagoo ku tilmaamay “fal rabshado macno darro ah.”