May 10(Jowhar) Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay rasaas la tilmaamay in ciidamada dowladda ay ku rideen shacab dibadbax ka dhigayay qeybo kamid ah degmada Deyniile ee gobolka Benaadir.
Dhimashada Hal ruux iyo dhaawaca tiro kale ayaa lasoo wariyay iyadoo xiisad kacsanaan ah ay ka taagantahay xaafado ka tirsan degmada Deyniile.
R/wasaare hore Kheyre oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay nasiib darro tahay in shacab rasaas lagu furo.










