Saturday, July 18, 2026
Home NEWS Cunaqabatayn lagu soo rogay hoggaamiyeyaasha kooxaha hubaysan ee bariga Congo

Cunaqabatayn lagu soo rogay hoggaamiyeyaasha kooxaha hubaysan ee bariga Congo

30

July 18-(Jowhar)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayn saaray hoggaamiyeyaasha kooxaha hubeysan ee ka hawlgala bariga Congo, oo ay ku jiraan fallaagada AFC/M23 ee ay taageerto Rwanda iyo kooxda Democratic Forces for the Liberation of Rwanda (FDLR) oo la dagaallanta ciidamada dowladda Congo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii sheegay in guddi kormeera xayiraadda hubka ee saaran Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo uu liiska cunaqabataynta ku daray lix qof iyo laba hay’adood.

Waxaa ka mid ahaa dadkaas Corneille Nangaa, oo ah hoggaamiyaha isbahaysiga fallaagada ee AFC (oo ay ku jirto M23), John Imani Nzenze, oo ah madaxa sirdoonka M23, iyo Gustave Kubwayo, oo ah taliye ka tirsan FDLR.

Nzenze iyo Kubwayo ayaa bishii hore cunaqabatayn kala kulmay Mareykanka, kaas oo ku eedeeyay inay hurinayaan colaadda ka jirta bariga dalkaas, inkastoo ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah oo uu waday Washington.

Cunaqabataynta Qaramada Midoobay waxaa ka mid ah xayiraadda hubka, xayiraadda safarka, iyo xayiraadda hantida.
Colaadda ka jirta bariga Congo waxay salka ku haysaa saameyntii ka dhalatay xasuuqii ka dhacay dalka deriska la ah ee Rwanda sanadkii 1994-tii.

Dagaallada ka socda bariga Congo ayaa sii xoogeystay sanadkii hore markii kooxda fallaagada ee AFC/M23 — oo ay Qaramada Midoobay iyo dowladaha reer Galbeedku sheegeen inay taageerto Rwanda — ay qabsadeen dhul ballaaran oo ka tirsan bariga Congo. Rwanda ayaa beenisay inay taageerto fallaagada.