Sunday, July 5, 2026
Home NEWS Dagaal ka dhex qarxay Xuutiyiinta iyo ciidamada dowlada Yemen

Dagaal ka dhex qarxay Xuutiyiinta iyo ciidamada dowlada Yemen

33

July 05 (Jowhar)- Ugu yaraan 15 askari oo ka tirsan dowladda Yemen ayaa lagu dilay iska horimaadyo ay la galeen fallaagada Xuutiyiinta ee gobolka Hodeidah galbeedka Yemen.

Walid al-Qudaimi, oo ah wasiiru dowle iyo xubin ka tirsan golaha wasiirada ee dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen, ayaa sheegay in askartii ka soo jeeday gobolka Tihama ay ku dhinteen dagaal ka dhacay aagga Jabal Dabbas, iyadoo rabshaduhu ay sii kordhayaan xeebaha galbeed ee dalka Yemen.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee Xuutiyiinta sannado badan sida laga soo xigtey sarkaal codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Wuxuu sheegay in dagaalyahannada Xuutiyiinta ay markii ugu horreysay isticmaaleen qoryaha darandooriga u dhaca, kuwaas oo sababay inta badan khasaaraha, ka hor inta aysan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiic ku ridin goobaha ay joogaan ciidamada daacada u ah dowlada Yemen.

Xuutiyiinta ayaa la dagaallamay dowladda Yemen ee caalamiga ah laga aqoonsan yahay tan iyo sanadkii 2015.
Kooxdu waxay maamushaa caasimadda, Sanca, iyo inta badan waqooyiga Yemen, oo ay ku jirto magaalada dekedda leh ee Hodeidah oo ku taal xeebta Badda Cas ee galbeedka dalka.Dowladda, oo fadhigeedu yahay Cadan, waxay haysataa qaybo badan oo koonfurta ah.

Dagaalkii ugu dambeeyay wuxuu yimid ka dib markii Xuutiyiintu ay hanjabeen garoomada diyaaradaha iyo xarumaha muhiimka ah ee Sacuudi Carabiya, oo taageera dowladda Yemen.

Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan weerar lagu qaaday markab xamuul ah meel u dhow dekedda Yemen ee Hodeidah.

Sida laga soo xigtay warbixinta hay’addan ciidamada badda ee Ingiriiska, markab xamuul ah oo 30 mayl badeed koonfur-galbeed ka xiga dekedda Hodeidah ayaa gudbiyay farriin isaga oo codsanaysa gargaar, isagoo sheegay in ay bartilmaameedsadeen weeraryahanno aan la garanayn.

Ururku wuxuu sheegay in mas’uuliyiintu ay baarayaan dhacdada, isla markaana loo digay rakaabka doonta inay si taxaddar leh u socdaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo.