July 05 (Jowhar)- Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray waxa uu kaga hadlay mowqifkiisa ku aaddan maareynta, ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee dhulka iyo badda Puntland, isagoo sheegay in uu u leeyahay xaq dastuuri ah maamulida,sahaminta iyo ilaalinta xeebaha Puntland.
Qoraalka ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa si gaar ah waxaa loogu xusay in shirkado shisheeye ama kuwo dowladeed, oo ay ku jirto SOMTURK, aysan wax hawlo ah sida maalgashiga kalluumeysiga, ilaalinta xeebaha ama adeegyo kale uga fulin karin badda iyo dhulka Puntland iyaga oo aan marka hore oggolaansho ka helin hay’adaha Puntland ee ay quseyso.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan sharci ahaan awood ugu lahayn inay bixiyaan heshiisyo ama tanaasulaad la xiriira deegaan iyo bad ku jira xadka Puntland, iyadoo Puntland ku doodday in arrimaha kheyraadka lagu saleeyo dastuurka ku-meel-gaarka ah ee federaalka iyo dastuurka Puntland.
Puntland ayaa ka digtay in cid kasta oo ka hawlgasha dhulkeeda ama baddeeda iyada oo aan fasax ka haysan maamulka ay la kulmi doonto tallaabooyin sharci iyo kuwo kormeer ah oo waafaqsan dastuurka iyo sharciyada Puntland.
Halkan hoose ka aqriso warka ka soo baxay Puntland.












