Monday, February 9, 2026
Home NEWS Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay toogasho ka dhacay Minneapolis

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay toogasho ka dhacay Minneapolis

1729

Aug 27 (Jowhar) Laba carruur ah ayaa geeriyootay kadib toogasho ka dhacday iskuulka Annunciation Catholic School ee magaalada Minneapolis.

Taliyaha booliska Minneapolis, Brian Oโ€™Hara, ayaa sheegay in ninka weerarka geystay oo watay qori weyn uu rasaas ooda uga qaaday dad ku sugnaa kaniisadda Annunciation. Wuxuu rasaasta ka dusiyay daaqadaha kaniisadda, isagoo beegsaday carruur iyo dad cibaadeysanayay.

Oโ€™Hara ayaa xaqiijiyay in laba carruur ah oo daโ€™doodu tahay 8 iyo 10 jir lagu dilay gudaha kaniisadda. 17 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay, kuwaas oo 14 ka mid ah carruur yihiin. Ninka weerarka geystay oo ahaa dhalinyaro ku jiray daโ€™da 20-meeyada, ayaan boolisku sheegin inuu lahaa taariikh dambiyeed ballaaran. Sida ay sheegeen baarayaasha, ninkaas ayaa la rumeysan yahay inuu isdilay.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu xirnaa dhar madow. Waxa uu intaas ku daray in qaar ka mid ah albaabbada kaniisadda laga xannibay bannaanka.