Thursday, June 25, 2026
Home NEWS Dhul-Gariir ka dhacay Caasimada Venezuela ee Caracas

Dhul-Gariir ka dhacay Caasimada Venezuela ee Caracas

9

Jun 25(Jowhar)-Venezuela ayaa ku dhawaaqday xaalad deg deg ah kadib markii laba dhul gariir oo is xig xiga oo cabirkooda lagu kala sheegay 7.2 iyo 7.5 ay ku dhufteen ayna ku dhinteen 32 qof.
Hawlgal ballaaran oo baadi goob iyo samatabbixin ah ayaa socda ka dib markii dhulgariirkii uu geystay khasaare ballaaran, gaar ahaan caasimadda Caracas.

Shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa baaraya burburka dhismayaasha dumay halka mas’uuliyiinta ay xireen garoonka diyaaradaha ee ugu weyn dalka ee Caracas.Sahanka dhulka ee Maraykanka (USGS) ayaa ka digay in khasaare badan iyo burbur baaxad leh ay suurtagal tahay.

Hoggaamiyaha dalkaas Rodriguez ayaa sheegtay in ugu yaraan 32 qof ay ku dhinteen ilaa 700 oo kalena ay ku dhaawacmeen dhulgariirrada, kuwaas oo ay raaceen ku dhawaad labaatan dhul gariir.

Qiimaynteedii u dambaysay waxaa lagu sheegay in 39 boqolkiiba suurtogalnimada in dhimashadu ay gaadhi karto inta u dhaxaysa 1,000 iyo 10,000 iyo 37 boqolkiiba ixtimaalka 10,000 ilaa 100,000 oo dhimasho ah.
Kuwani waa qiyaaso tirakoob oo loogu talagalay in lagu taageero qorshaynta degdega ah lamana xaqiijin tirada khasaaraha.

Tani ma aha markii ugu horreysay ee caasimadda Venezuela ay ku dhacaan dhulgariirro waaweyn.
Sannadkii 1967, in ka badan 200 oo qof ayaa ku dhintay markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 6.6 uu ku dhuftay Caracas, isagoo burburiyay dhismayaal ku yaallay xaafadda dabaqadda dhexe ee Palos Grandes iyo deegaanka dabaqadda sare ee Altamira.