Feb 10(Jowhar)-Diyaarad rayid oo ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ayaa waxyar ka hor shil ku gashay ku garoonka diyaaradaha Muqdisho.
wax ka yar 15 daqiiqo markii ay hawada ku jirtay , xilligaa oo ay wajahday cilad, iskudaygii ay dib ugu soo laabatay garoonka Muqdisho , waxay ka baxday dhabaha diyaaradaha.
55 qof oo ay diyaaradan siday ma jirto wax khasaare ah oo gaaray , sida ay xaqiijiyeen saraakiisha garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Mudane Axmed Macalin Xasan ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey in diyaarad rakaab sida ay shil ku gashay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, taas oo dib ugu soo laabatay garoonka daqiiqado kadib markii ay kacday.
Maareeyaha ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo shilka diyaaradda ka dhashay, waxaana lasoo badbaadiyey dhammaan rakaabkii la socday.
Diyaaradda oo u socotay magaalada Gaalkacyo ayaa markii ay kacday waxaa ku soo baxday ciladda, taasi oo sababtay inay dib ugu soo noqoto garoonka Aadan Cadde,
“Beyloodkii waday diyaaradda wuxuu kasoo dejiyey dhanka magaalada, kadib markii ay soo cagadhigatay waa xakamey waayey, waxaana ka dhamaaday dhabihii oo dhanka badda ayey ula gudubtay, wax khasaare ah majiraan,” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin.










