Jun 16 (Jowhar)Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay wararka sheegaya in maamulka Israa’iil uu la shaqeynayo maamulka gooni-goosadka ah ee gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya si ka baxsan nidaamka dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay u aragtaa hawl kasta oo noocaas ah mid xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda, midnimadeeda, madaxbannaanida dhulkeeda, iyo nidaamka dastuuriga ah. Soomaaliya ayaa weli ah dal madax banaan oo caalami ah oo la aqoonsan yahay, dowladda Federaalka waa awooda kaliya ee sharciga ah ee awood u leh inay dalka ku matasho xiriirka caalamiga ah.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibbada Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday in siyaasad kasta, diblumaasiyadeed, ama xiriir kasta oo lala yeesho maamulka gooni-goosadka ah ee ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya uu yahay mid aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah, isla markaana aan lahayn wax sharci ama siyaasad ah.
“Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD, iyo dhammaan saaxiibada caalamka inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay cambaareeyaan falalka wax u dhimaya midnimada iyo xasilloonida qaranimada Soomaaliya.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
Dowlada Soomaaliya ayaa ku hanjabtay inay qaadi karto tallaabo kasta oo sharci ah oo ay ku ilaalinayso madax banaanideeda.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay xaq u leedahay in ay qaado dhammaan tallaabooyinka sharciga ah iyo kuwa lagama maarmaanka ah, iyada oo u maraysa diblumaasiyad, sharci iyo dariiqyada kale ee ku habboon, si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda, madaxbannaanida dhulkeeda, iyo midnimadeeda qaranka.”
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowlada federalka diyaar u tahay wadahadalo nabadeed.
“Soomaaliya waxaa weli ka go’an wada-hadal nabadeed, xasillooni gobolka, iyo wada-shaqeyn wax-ku-ool ah oo lala yeesho dhammaan asxaabta, laakiin ma aqbali doono tallaabo kasta oo ku xad-gudbida madax-bannaanideeda ama khatar ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed.”
Warkan ka soo baxay dowlada federalka soomaaliya ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo wasiirka arrimaa dibbada Isra’il ay xariga ka jareen safaarad uu maamulka Somaliland ku yeelanayo magaalada Qudus.











