Dowladda Qatar oo saldhig ciidan ka sameysatay gudaha dalka Mareykanka

0
100

Nov 11(Jowhar)-Mareykanka ayaa markii ugu horraysay gudaha dalkiisa saldhig ciidan ka siiyay dowladda Qadar oo ay ku tababarto ciidamada cirka, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday The New York Times. Saldhiggan cusub ayaa laga dhisayaa gobolka Idaho, waxaana qorshuhu yahay in halkaas lagu tababaro duuliyeyaasha ciidamada cirka ee Qadar.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in madaxweyne Donald Trump uu ansixiyay mashruucan ka dib markii Dooxa (Qadar) ay u hadiyadeysay diyaarad raaxo oo aad u qaali ah, isla markaana ay u ballanqaadeen dhismaha beer-dalxiis weyn oo lagu qiyaasay balaayiin doollar, taasoo qayb ka ahayd heshiisyo ganacsi iyo difaac oo labada dal dhexmaray.

Qadar ayaa horey ugu lahayd Mareykanka saldhig ciidan oo weyn oo ku yaalla Al-Udeid, kaas oo ah xarunta ugu muhiimsan ee ciidamada cirka ee Mareykanka ku leeyihiin Bariga Dhexe, balse tani waa markii ugu horraysay ee dalkaas Carbeed uu saldhig ciidan ka samaysto gudaha dhulka Mareykanka.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in mashruucani uu yahay “mid la xiriira iskaashi istiraatiiji ah oo dhinaca difaaca ah,” balse qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha siyaasadda ayaa su’aal geliyay saameynta iyo ujeedada dhabtaa ee ku hoos qarsoon heshiiskan cusub.