Tuesday, July 28, 2026
Home NEWS Dowladda Sweden oo ka caawinaysa Dowlada Soomaaliya dib-u-habaynta xabsiyada dalka

Dowladda Sweden oo ka caawinaysa Dowlada Soomaaliya dib-u-habaynta xabsiyada dalka

18

July 28(Jowhar)-Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Nairobi safiirka dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Hans Lundquist,iyadoo kulankan diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga iyo garsoorka.

Danjire Lundquist ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay inay sii wado taageerada ay siiso Ciidanka Asluubta, gaar ahaan mashaariicda lagu hagaajinayo xaaladda nololeed ee xabsiyada dhexdiisa.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in isbeddelladan la doonayo in lagu waafajiyo halbeegyada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka, si maxbuus kasta uu u helo xuquuqda uu sharcigu u dammaanad qaaday.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay dowladda Sweden garab istaagga joogtada ah.

Waxa uu xusay in qorshahooda ugu weyn uu yahay in xabsiyada Soomaaliya laga dhigo goobo dhaqan-celin oo leh adeegyo dhammaystiran, iyadoo la kaashanayo saaxiibbada caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Sweden ayaa leh xiriir dhow oo diblumaasiyadeed, kaasi oo la xiriira dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku yaal labo xabsi oo ay ku xiran yihiin kumanaan maxaabiis ah iyadoo xabsiga ugu weyn dalka uu yahay mid sanado badan dhisnaa oo aan helin dayactir weyn.