Tuesday, July 28, 2026
Home NEWS Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo ka qeybgalaya shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo ka qeybgalaya shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

9

July 28(Jowhar)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia si uu uga qayb galo Kalfadhiga 49aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Cabdisalaam Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ayaa gaaray Addis Ababa si uu uga qayb galo Kalfadhiga 49aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Kalfadhigan ayaa arrimaha looga hadlayo waxaa ka mid ah nabadda gobolka, amniga, dib-u-habaynta hay’adaha iyo isdhexgalka dhaqaalaha. Wasiirka ayaa si diirran u soo dhaweeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, taasoo muujinaysa xiriirka labada dhinac ee xooggan.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay
horumarinayso mudnaanta iskaashiga amniga, maamulka badda iyo xasilloonida gobolka.

“Wasiirku wuxuu la kala hadli doono wasiirada dhiggiisa ah khataraha ka gudba dalalka kale, xoojinta awoodda ka hortagga khilaafaadka Midowga Afrika, iyo kor u qaadista iskaashiga dhaqaalaha ee Geeska Afrika oo dhan.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibbada.