Jan 05(Jowhar)-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa yeeshay wadahadal dhanka telefoonka ah oo ay kaga hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha gobolka.
Labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo iskaashiga labada dhinac.
Madaxweyne Erdoğan ayaa si gaar ah xoogga u saaray muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo Yemen, isagoo muujiyey in Turkigu uu diyaar u yahay dhexdhexaadinta nabadda Yemen.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo xabbad-joojin rasmi ah oo laga gaaro Marinka Gaza iyo dib-u-dhiska deegaannadaas.










