Sunday, February 15, 2026
Home NEWS Erdogan oo todobaadkan isku-maraya wadamada Imaaraatka iyo Itoobiya

Erdogan oo todobaadkan isku-maraya wadamada Imaaraatka iyo Itoobiya

43

Feb 15(Jowhar)-Madaxweynaha Turkiga ayaa 16-ka ilaa 17ka bishan isku mari doona Imaaraatka Carabta iyo Itoobiya, wada hadalo ku beegmaya waqti xasaasi ah oo galal badan isku furan yihiin Turkiguna qeyb kayahay, oo taabanaya Khaliijka ilaa Badda Cas.

UAE iyo Sacuudiga ayaa xiisad xoog leh ay ka dhex taagan tahay, sidaas oo kale jahawareer ba’an ayaa haysta dalalka qaarkood oo doonaya in ay Sacuudiga raacan sabab la xariirta maalgashiga UAE oo ku leeyihiin dalalkaas kuwaas oo jahawareersan.

Safarka Itoobiya waa mid saameynaya arrinta Soomaaliya, maadaama sidii kujirtay Baaqii Ankara lagu dhexdhexaadiyey Abiy iyo Xassan Sh ay ahayd in Muqdisho ay bixiso marin badeed ay hesho Itoobiya, taas oo uu xiligaas Erdogan sheegay in ay muhiim tahay.

Sida lagu sheegay hadaladii Baaqii Ankara waxaa kujiray in Erdogan isku maro Muqdisho iyo Addis Ababa, lama hayo wali xog buuxda oo cadeynaysa safar cusub.

Wariyayaasha ku dhaw Erdogan qaar kamid ah ayaa sheegaya in ay adag tahay in Ankara ay xiisada Khaliijka ama olog kasoo horjeeda dhinaca UAE ay raacdo, xili ay isku dayayso hoos u dhigida.