Eric Trump oo beeniyay inuu madaxweynaha Somaliland kala hadlay dekad iyo arrimo la xiriira ganacsi

6

Jan 27(Jowhar)-Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Reuters, Kimberly Benza oo ah Afhayeenka Eric Trump ayaa sheegtay in aysan madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ka wada hadlin dekad ama arrimaho la xiriira ganacsi.

“Marna Eric Trump kulamo lama yeelan madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale, marna kama wada hadlin deked,” ayay tiri Kimberly Benza bayaan ay soo saartay.

Benza waxay sidoo kale sheegtay in Eric Trump uusan wax jawaab ah ka bixin khudbaddii madaxweynaha Somaliland. Markii wax laga weydiiyay hadii ay wada hadal yeesheen “Salaan iyo hadal guud oo kooban oo xushmad ah ayaa la is dhaafsaday, waa intaas uun” ayay tiri.

Wariye ka socday Reuters ayaa sheegtay in Madaxweyne Cirro uu galay qolka Cashada halkaasoo Eric Trump iyo Herzog madaxweynaha Israel ku sugnaayeen, kaddibna la arkay sawirro muujinaya Eric Trump iyo  Madaxweynaha Somaliland oo isi salaamaya sawirka laga qaaday.

Intii lagu guda jiray cashada, Cirro ayaa istaagay isagoo qaatay makarafoon, wuxuuna jeediyey khudbad gaaban kulanka cashada oo ay ku sugnaayeen 100 qofood.

Madaxweynaha ayaa Eric salaamay markii uu soo galay iyo markii la baxaayay sida ay Reuters u sheegeen laba qof oo goobjoog ahaa.

Reuters ayaa waydiisay Madaxweynaha Somaliland waxa uu kala hadlay Trump iyo Herzog, waxa uuna ku gaabsaday “Shirka wuu wanaagsan yahay, aad buu u wanaagsan yahay.”