Sep 21(Jowhar)-Boqortooyada Eswatini, ayaa 32 askari oo ka tirsan ciidanka booliska dalkaas usoo direysa Soomaaliya, iyagoo qeyb ka noqon doona Hawlgalka Nabad Ilaalinta iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).
Ciidankan oo dhammaantood ah saraakiil boolis ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan dadaallada lagu xasilloonayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta rayidka, soo celinta nabadda, iyo xoojinta ku dhaqanka sharciga.
Taliyaha Booliska Eswatini, Manoma Vusie Masango, oo la hadlayay ciidanka ka hor inta aysan kasoo ambabixin dalkooda ayaa kula dardaarmay inay ku shaqeeyaan edeb, xirfad iyo masuuliyad. Wuxuu ku adkeeyay inay si buuxda uga soo baxaan shaqada loo diray, isla markaana ay matalaan dalkooda si sharaf leh.
Masango ayaa intaas ku daray in ammaanka iyo badbaadada askarta ay mudnaan weyn u leedahay taliska, isagoo xusay in Eswatini ay ku faanayso kaalinteeda ku aaddan taageerada nabadda iyo xasilloonida qaaradda Afrika.
Hawlgalkaan ayaa noqonaya mid ka mid ah tabarucaadyada ugu waaweyn ee Eswatini ku bixiso gudaha Soomaaliya, taas oo muujinaysa iskaashiga caalamiga ah ee lagu ilaalinayo nabadda iyo amniga gobolka.