Jun 18 (Jowhar)Xiisad colaadeed ayaa ka jirta saaka degmada jalalaqsi ee gobolka Hiiraan kadib markii ay maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen galbeedka degmada Jalalaqsi.
Dagaalka ayaa salka ku haya kufsi loo geystey gabar ka mid ahayd dadka ku nool degmada Jalalaqsi.
Iskahorimaad hubeysan oo ka dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa sababay in dad badan ay ka barkacaan guryahooda balse ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay iskahorimaadka.
Qadka isgaarsiinta ayaa ka go’an saaka degmada Jalalaqsi waxayna taasi sababtay in aan la helin faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan iskahorimaadka ka dhacay degmada Jalalaqsi.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Jalalaqsi ee la xiriirta iskahorimaadka ka dhacay degmadaas.










